Sunday, July 13, 2025

Dowladda Turkiga oo go’aansatay inaan Fiisaha Dalxiiska loo bedeli karin Deganaasho & Soomaalida oo fursad la siiyey

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaailya ee dalka Turkiga Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uusan wax saameyn ah ku yeela doonin go’aankii dhowaan ay soo saartay dowladda Turkiga ee ahaa inaan iqaamada la sii doonin dadka dalxiiska ku gala dalkaas Turkiga.

Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa caddeeyay inuu maanta la kulmay madaxa Hey’adda Socdaalka Turkiga, isla markaana uu u cadeeyey in dadka Soomaaliyeed uusan saameyn doonin go’aan dowladda Turkiga ay ka soo saartay arinkaas.

Ambassador Ceydiid ayaa intaas ku daray in madaxa Hay’adda socdaalka Turkiga uu kala hadlay sidii Visaha loogu fududeyn lahaa waqtigana loogu kordhin lahaa dadka Soomaalida ee caafimaadka u taga dalka Turkiga.

“Go’aanka dawladda Turkey ku gaartay in fiisaha dalxiiska aan loo beddeli karin deganaansho waxaa ii xaqiijiyey madaxa laanta socdaalka ee Turkey Mudane Abdullah AYAZ oo aan galabta xafiiskiisa kula kulmay. Laakiin dhowr dal oo Soomaaliya ka mid tahay waa laga reebay oo ma saamaynayo‬ go’aankani, sidaa darteed dadka sita baasaboorka Soomaaliga ah ee ku soo galay fiise dalxiis ah way dalbaan karaan degaansho” ayuu yiri Danjire Ceydiid

Wuxuu sheegay in sanadkaan 2019 oo kaliya ay in ka badan 11 kun oo Soomaali ah dalbadeen dal ku galka Turkiga, iyadoo la siiyey in ka badan 7 kun Soomaali ah oo wadata Baasaboorka Soomaaliga. Soomaaliya ayaa ka mid ah dhowr dal uu uu xiriir gaar ah kala dhexeeyo dalka Turkiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON