Tuesday, June 24, 2025

Dowlado ka tirsan IGAD iyo Midowga Yurub oo qaadacsan Shirka London ee arrimaha Somalia [Akhriso]

Qaar ka mida dowladaha Midowga Yurub iyo IGAD ayaa la sheegay inay ka gows qabsadeen qaarkoodna qaadacsan yihiin shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya Khamiista ka furmi doona magaalada London.

Sida ay qortay Wakaalada wararka Turkiga Anadol oo soo xigatay Diblomaasiyiin ayaa waxaa martiqaadyo balaaran oo shirka ku saabsan loo kala diray dalal fara badan oo dunida ah, waxaana ku wada saxiixnaa Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladaha IGAD ayaa la sheegay inay qaarkood ka welwelsan yihiin martigelinta Ingiriiska ee shirkan oo looga hadlayo arrimaha la-dagaalanka argagixisada Soomaaliya, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo aan laga talogelin Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Midowga Yurub ahaa taageeraha ugu weyn ee dhinaca dhaqaalaha ka taageera howlgalka AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, halka midowga Afrika ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya

Madaxda dalka Jabuuti, Uganda iyo Suudaan ayaan ka qeyb galeynin shirka London, iyadoo u diri doona wafdiyo heer hooseeya, halka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Haiela mariam Deselgn la sheegay inuu tegayo shirka.

Diblomaasiyiin reer Yurub ah oo ay soo xigatay wakaalada Anadol ayaa sheegay in Jarmalka iyo dalal ka tirsan Midowga Yurub ay ka ka gows qabsadeen shirka London, isla markaana ay arrintaas gaarsiiyeen dowladda Soomaaliya.

Waxaa dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay inay si degdeg u aqbashay shirka London oo ajendayaasha looga hadlayo aanay ahayn kuwo cad oo la fahmi karo, shirkuna yahay Ingiriisku ku doonayo inuu saameynta ugu weyn ku yeesho xaaladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON