Tuesday, July 1, 2025

Dr. Cusmaan Dufle oo mar kale ku guuleysay Kursiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Senator Cusmaan Xaaji Maxamuud Dufle ayaa mar kale ku guuleystay kursiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorasho caawa ka dhacday magaalada Jowhar ayaa wareegii labaad waxa isugu soo haray Dr. Cusmaan Dufle iyo Raage Xasan Cusmaan Xuuti, waxaana markii codadka la tiriyay ku guuleystay oo mar kale la doortay Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle.

Dr. Dufle ayaa helay, kuna guuleystay codad gaaraya 68, halka uu musharixii la tartamayey ee Raage Xasan Cusmaan uu ka helay 28 Cod, waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu kursiga ku guuleystay Dr. Cusmaan Dufle.

Senatoor Cusmaan Dufle ayaa ka mid noqday mudanayaasha Aqalka Sare ee mar kale dib loo doortay 4-sano oo cusub, wuxuuna galay tartan adag oo laba wareeg ah.

Wareegii koowaad waxa ku haray Danjire Maxamuud Axmed Nuur tarsan oo la filayay inuu wareega labaad soo gaaray, waxaan si lama filaan ah waraaggaasi u soo baxay musharax Raage Xuuti.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON