Duqa magaalada London ee dalka Ingiriiska Sadik Khan ayaa farriin tacsi ah u diray qoyskii, eheladii iyo dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Duqii magaalada Muqdisho, ahaana guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow.
Farriin uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Duqa magaalada London ku sheegay inuu aad uga murugooday geerida Duqii magaalada Muqdisho C/raxmaan Osman oo uu sheegay inuu ahaa qof dadka Soomaaliyeed u ahaa dhiirigeliye, isagoo sanado badan ku qaatay dagaaka lagula jiro argagixisada Alshabaab iyo fekerkeeda xun.
“Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskiisa iyo dadkii saaxiibada ahaa..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Duqa magaalada London Sadik Khan oo ka mida kumanaan qof oo farriimo tacsi ah baraha bulshada u marsiiyey Marxuum C/raxmaan Yariisow.
Yariisow ayaa ku noolaa magaalada London ee dalka Ingiriiska muddo 17 sano ah inta uusan Muqdisho u soo wareegin, wuxuuna ka mid mar noqday madax Guryeynta ee Golaha degaanka Ealing oo ku taalla Galbeedka magaalada London.