Sunday, July 6, 2025

Duqeyn lagu qaaday Ciidamadii Alshabaab ee isku urursaday duleedka Bacaadweyn iyo Tirada lagu dilay…

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in duqayn cirka ah lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta ayaa lagu sheegay in duqayntan ay dhacday saacaddu markii ay ahayd 11-kii aroornimo iyo shan daqiiqo, hase yeeshee lama shaacin goobta duqayntu ka dhacdday iyo qasaaraha ka dhashay midna.

“Waxaa maanta abaara 11-kii barqanimo laga fuliyay duqeymo tuulada Caad oo dhinaca waqooyi kaga began degaanka Bacaadweeyne ee gobolka Mudug halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 50- horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo ay ku jiraan 3 horjooge oo ajaaniib ah” ayaa lagu yiri War kasoo baxya Taliska ciidamda Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta uu fuliyay taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, laguna qaaday dhufeyso ay lahaayeen ciidamada Alshabaab oo u dhow degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Galgaduud.

Waa duqeyntii ugu horeysay kadib 19-kii Janaayo, 2021 oo ahayd markii duqayntii ugu dambaysay ee rasmi ahaan loo shaaciyey uu Maraykanku ka gaystay Soomaaliya.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Danab ay sii wadaan hawlagallada ka socda Galmudug ee ka dhanka ah Al-Shabaab si dadka looga xoreeyo Al-Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON