Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba eedeysane oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo ku fal dil ah u geystay nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho sanadkii 2016.
Dil-sugayaasha kala ah: C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan ayaa degmada Wadajir ee Gobolka Banadir ku dilay Hilowle Xeefow Xuseen oo kamid ahaa nabadoona degaankaasi, waxaana Taariikhdu markey ahayd 3/8/2017 ay Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah 22/8/2017.
Dacwadda lagu qaaday labadan eedeysane ayaa ahayd dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayaasha kala ah Xasan Cali Xasan Keerow 25-jir ah iyo Cabdiraxmaan Ciise Cali Fiidow 22-jir ah,kuwaasi oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeyay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab una qaabilsanaayeen fulinta dilalka ay kooxdu qorsheyso,iyagoo si barer ah u dilay Marxuum nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen taariikhdu markey ahayd 2/11/2016,dambigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir taariikhdu markey ahayd 22/8/2017,waxayna Labada eedeysane Maxkamada ku xukuntay dil toogasho ah,waxaana maanta oo ay taariikhda tahay 7/1/2019 lagu fuliyay dilkii toogashada ahaa,” ayuu yiri xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada Ciidamada qalabka sida Dhame Muumin Xuseen C/llaahi.
Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka.