Wednesday, July 2, 2025

Eedeysanayaasha Kiiska Ikran Tahliil oo Maxkamadda Milateriga looga yeerayo iyo waanwaanta socota…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda a bilowdo baaritaanka Kiiska Dacwadda ee ka dhanka ah eedeysanayaasha kiiska afduubka iyo dilka sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA, iyadoo xeer ilaalinta isk duba riday dacwadda kiiska.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa qabatay 8-dii bishan September Dacwadda ka dhan ah saraakiisha NISA ee ku eedeysay Kiiska Ikraan oo ay gudbisay hooyo Qaali Maxamuud Guhaad, waxayna kala yihiin:

1- Agaasimihii xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji

2- Agaasimaha uu Farmaajo u magacaabay Yaasiin Faarey

3- Madixii hore ee shaqaalaha NISA C/llaahi Kulane Jiis

4- C/qani Diirane (Wadna-qabad) oo ka tirsan hay’adda NISA.

Hay’adda NISA ayaa hore u diiday inay gacan siiso Guddigii Baariska Kiiskan loo saaray, waxayna ka hor istaagtay in la wareysto xubnaha kiiskan lagu tuhunsan yahay, iyadoo ku dooday inay kaliya qoraallo loo diri karo, ayna usoo jawaabayaan Qoraallo kale, taasoo keentya inuu kiiska hore u socon waayay, xilligaas uu soo farageliyay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) ugu yeerayo madaxda Hay’adda NISA ee ku eedeysan kiiska Ikraan oo ay ka mid yihiin saddex mas’uul oo muhiim ah ayaa laga yaabaa inuu xaaladda uga sii daro xilli ay socoto waanwaan laga dhex wado Farmaajo iyo Rooble.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in waanwaanta ay wadaan madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed Axmed Qoorqoor iyo C/casiis Lafta-gareen ay gashay marxaladihii ugu danbeeysay, kadib 24 saac oo shira kala gaara oo saacado qaatay ay la yeesheen labada dhinac.

Lama soo jeedin wax horumar ah oo laga gaaray khilaafka ka dhex taagan Farmaajo iyo Rooble, laakiin waxaa la filayaa in kulan kale oo fool ka fool ah la isugu keeno, si xaaladda loo qaboojiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON