Friday, April 19, 2024

Midowga Musharixiinta oo War-Saxaafadeed Culus soo saaray (Digniin ku socota Guddoomiye Mursal)

Kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Midowga Murashixiinta maanta oo Jimce ahayd, taariikhdu tahay 10/09/21 ku ayaa laga soo saaray War-saxafadeed ka kooban 8 Qodob oo ah digniin ku socota Guddoomiyaha Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh.

War-saxaafadeedka ayaa quseeya dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee khalkhalka siyaasadeed geliyey dalka, kana dhex taagan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Waxay caddeeyay Midowga Musharixiinta inay garab taagan yihiin Ra’iisal wasaaraha, iyagoo Guddoomiye Maxamed Mursal uga digay inuu soo nooleeyo Baarlamaankii waqtigiisu dhammaaday si loo carqaladeeyo shaqada Ra’iisal wasaaraha.

Ad

HOOS KA AKHRISO QODOBADDA WAR-SAXAAFADEEDKA

1- Goluhu wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo mas’uuliyada amniga iyo doorashooyinka meel fagaare ah kula wareegay, kadib markii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku fashilmay qabashada doorashooyin daahfuran, xor iyo xalaal ah, oo waqtigeeda ku dhacda.

- Advertisement -

2- Goluhu wuxuu ku garab taagan yahay Raysal-wasaaraha in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan hufan, eedaysanayaashana si deg-deg ah loo hor geeyo maxkamad awood u leh ka gungaaridda iyo qaaditaanka kiiskaas.

3- Goluhu wuxuu cambaaraynayaa tallaabooyinka uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ku carqaladeynaayo caddaalad u helidda kiiska Ikraan, iyo gabaadka sharci-darrada ah uu siinayo eedaysanayaasha kiiska loo haysto.

4- Goluhu wuxuu la socdaa dhaqdhaqaaqa uu gudoomiyihi hore ee Golaha Shacabka, Maxamad Mursal Abdirahman uu ku doonayo dib-u-soo noolaynta Golihi Shacabka ee muddo- xileedkiisu dhamaaday, iyadoo la doonayo in lagu carqaladeeyo daddaalka Raysal-wasaaraha, laguna hor istaagayo caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo Qoyskeeda.

5- Goluhu wuxuu xusuusinayaa Maxamad Mursal in uu hore ugu fashilmay mu’aamaraadkaas, dalkana halis u geliyey colaad-sokeeye kadib markii uu meelmariyey muddakororsigii labada sano ahaa ee uu dalbaday Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhamaaday.

- Advertisement -

6- Goluhu wuxuu uga dhigayaa guddoomiye-hore Mursal in uu mar kale dalka geliyo colaad-sokeeye, wuxuuna Goluhu ka waaninayaa in uu dib uga istaago shirqoolada lagu carqaladaynayo hawlaha Dastuuriga ah ee horyaalla Raysalwasaaraha.

7- Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ka codsanaayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay tixgeliyaan codsigoodii wax ka beddelka qodobo ka mid ahaa habraaca doorashooyinka oo u baahan in dib loo saxo, iyo in ay dedejiyaan dhamaystirka doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

8- Goluhu wuxuu bogaadinayaa Madaxweynaha Dowladgobaleedka Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo fursad siman siiyey liiska tartamayaasha doonaya kuraasta Aqalka Sare oo ah sida saxa ah oo doorashooyinka loo agaasimo, waxaana u rajaynaynaa in ay doorashooyinkaas si daahfuraan ah ku soo dhamaystirmaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON