Tuesday, July 1, 2025

Ergeyga Dowlada Qatar oo markii ugu horeysay ka hadlay dhexdhexaadinta uu ka wado Soomaaliya

Egeyga dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya aya markii ugu horeysay ka hadlay socdaalkiisa Soomaaliya iyadoo wasaaradda Arrimaha dibada dalkaasi ay war kasoo saartay.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa sheegay TV-ga Aljazeera inuu socdaalkiisu la xiriiro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida, isla markaana la isugu soo dhoweyn lahaa wallaalaha Soomaaliyeed si loo sii wado dhabaha xukunka dimoqraadiyadda.

Dhinaca kale wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegay in Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibadda ee La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Xalinta Khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani uu la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka iskaashi ee labada dal ka dhexeeya, horumarka ka socda Soomaaliya iyo dadaalada lagu gaarayo dib u heshiisiinta qaran, amniga iyo xasiloonida shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON