Wednesday, June 25, 2025

FAAAHFAAHIN: Qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Ciidamada Booliska Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax saaka aroortii ka dhaca magaalada Muqdisho oo lagu  weeraray barxadda Dugsiga Booliska..

Qaraxa ayaa waxaa geystay Qof isu ekeysiiyay ciidamada Booliska oo xirnaa dharka sports-ka, waxaana ku xirnaa jaakadda qaraxyada, isagoo markii uu barxada Dugsiga Jeneraal Kaahiye gaarya isku qarxiyay ciidamo halkaasi ku sugnaa.

Qasaaraha qaraxa ayaa wararkii ugu horeeyay waxay sheegayaan in 10 qof ay ku dhinteen iyadoo dhaawacu ka badan yahay 15 kale, waxaana dhimashada u badan tahay ciidamada booliska ee goobta ku sugnaa.

Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay in qaraxa saaka ay ku dhinteen saddex qof, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay ka mida taliyihii hore ee saldhigga ciidamada Xamarweyne.

Is-miidaamiyaha ayaa beegsaday ciidamo Boolis ah oo goobtaasi ku sugayey inay galaan Dugsiga Booliska Jen, Kaahiye oo ay ka socotay diyaargarowga xuska maalinta asaaska ciidamada booliska ee 20-ka Disember.

DEGDEG: Qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Booliska Jen. Kaahiye ee Magaalada Muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON