Wednesday, June 25, 2025

FAAFHAAHIN: Taliye ka tirsan NISA oo u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray Weerarkii maanta

Taliyihii Nabadsuggida ee degmada Kaxda, Gobolka Banaadir ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar duhurnimadii maanta ay ku qaadeen dabley hubeysan.

Maxamuud Qooley oo NISA ugu qaabilsanaa degmada Kaxda ayaa dhaawac culus kasoo gaaray weerarka oo uu fuliyay, gaari NOAH ah oo dilkii afraad ee qorsheysan ka geysanaya degmada Dharkeynley, waxaana falkan uu ka dhacay agagaarka Xoosh.

Taliyaha oo dhaawiciisa la geeyay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu halkaasi ku geeriyooday iyadoo lala tacaalayo xaaladiisa caafimaad.

Waxaa kaloo weerarka ku dhintay askari ilaalo u ahaa taliye Qooley, iyadoo mid kale dhaawac kasoo gaaray weerarkii duhurnimadii maanta lagu beegsaday.

Dilalkii ugu badnaa ee qorsheysan ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley, iyadoo lagu dilay dad ka badan 12 qof. Gaari la sheegay inay qabteen ciidamada Booliska laguna sheegay inuu ahaa midkii falalka dilalka ah lagu fulin jiray ayaa la sii daayay markii baaritaan lagu sameeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON