Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Alshabaab oo Qarax ku dishay Guddoomiyihii Degmada Qoryooley

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in Qarax Miino lagu dilay Guddoomiyihii degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahim.

Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aasay maqaayad u dhow Buundada degmada Qoryooley, waxaana lala beegsaday. Guddoomiyaha Degmada Qoryooley xilli uu marayey goobtasi, waxaana goobta ku geeriyooday isaga iyo qaar ka mida ilaaladiisa.

Qoraal kasoo baxay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa tacsi loogu diray Guddoomiyihii degmada Qoryooley, waxaana Alshabaab lagu eedeeyay inay ka danbeysay dilkiisa.

“Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan oo ku geeriyooday Qarax ay Argigixisadu ay kula beegsadeen Degmada Qoryooleey.” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweynaha K/Galbeed.

Laftagareen ayaa sheegay in Argigixisada Alshabaab mar waliba ay Bartilmaameed u yihiin Haldoorada u adeegaya Bulshada iyo Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, laguna Xasuusto Doorkii uu ku lahaa Nabadaynta Bulshada Degmada Qoryooley iyo sida uga go’nayd inuu u adeego Shacabka Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON