Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Alshabaab oo Weerar Culus ku gashay Saldhigga Kaxda iyo Qaraxyo ka dhacay Daarusalam

Maleeshiyada Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerarro isku mar dhacay ku qaaday degaanada Saldhigga Booliska degmada Kaxda iyo Degaanka Daarusalaam ee daafaha caasimadda Muqdisho.

Dagaal toos ah oo Qaraxyo ku bilowday oo socday muddo saacado ah ayaa ka dhacay Saldhigga Booliska Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, halkaasi oo Alshabaab ay saacado qabsadeen, intii dib loo riixin, waxaana magaalada daafaheeda laga maqlay qaraxyo iyo rasaas culus oo muddo sanado ah aan ka dhicin.

Dagaalka culus ayaa ka dhacay Saldhigga Booliska Kaxda oo ay gudaha u galeen Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab, waxayna qaateen laba Gaari oo nooca Cabdi-Bileyaasha ah oo Boolisku lahaa.

Dhinaca Degaanka Daarusalaam ayey Alshabaab weerar ku qaadeen, guri uu deganaa Gudoomiye ku xigeenka Amnigga Drgmada Heliwaa Axmed Nuur Adeerow, waxaana la xaqiijiyey inuu ka badbaaday weerarka, balse qof ka mida Qoyskiisa ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal kooban oo uu uga xalay xaalada weerarka Alshabaab ku yiri: “Kooxaha argagixisada waxaa ay caawa abaare 1:00am weerar kusoo qaadeen daafaha magaalada Muqdisho, balse ciidamada amniga ayaa ka difaacay shacabka kooxa nabad diidka ah, faahfaahinta isku dayga cadowga waxaa shacabka lawadaagi doonoa dhawaan ciidanka Booliska Dalka”

Weerarrada Alshabaab ayaa saameyn ku yeeshay caasimadda Muqdisho, waxaana ciidamo badan la geeyay Jidka Maka Almukarama oo laga joojiyey gaadiidka, sidoo kale xaafado fara badan ayaa laga damiyey Korontada, waxayna xaaladda Muqdisho caadi kusoo laabatay kadib Aadaanka hore Salaada subax kadib,

Qasaare kala duwan ayey dhaliyeen weerarrada Alshabaab, waxaana labada dhinac kala gaaray qasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in weerarrada loo adeegsaday Gawaari laga buuxiyey waxyaabaha qarxa, lagana hortegayna oo ilaa saaka lagu daba jiray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON