Friday, June 27, 2025

Faahfaahin: Alshabaab oo Weerar lama filaan ah kula wareegay Balcad [Maxaabiis la sii daayey & Dad ku dhintay]

Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa weearr lama filaan ah barqadii maanta kula wareegtay degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe oo 37 KM u jirta caasimadda Muqdisho.

Weerarka oo dhowr jiho laga soo qaaday ayaa maleeshiyada Alshabaab u suuragashay inay la wareegaan magaalada iyadoo qabsaday xaruntii degmada iyo saldhigga Boolliska, waxayna sii daayeen maxaabiis halkaasi ku xirnaa, sida ay ku soo warrameen dadka degaanka.

Wararka ayaa sheegaya inay Alshabaab qaateen FM ka howlgeli jirtay magaaalada oo si gaara loo leeyahay, isla markaana waxaana weli magaalada ka socda rasaas dhowr jiho ka dhaceysa, iyadoo dadweyne fara badan ay ka qaxeen magaalada.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen dad ki dhow 10 qof, waxaana weli kala caddeyn xaaladda magaalada oo kacsan, iyadoo lagu wado inay maleeshiyada Alshabaab isaga baxaan.

Waa markii ugu horeysay ee Alshabaab weerar kula wareegaan degmada Balcad, waxayna tani jab ku tahay dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle oo muddooyinkii danbe awoodi waayay inay difaacaan degmada ugu dhow caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON