Iska hor imaad toos ah ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii koox ka tirsan Alshabab ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taalla Sey Biyaano ee magaalada Muqdisho.
Dagaal muddo socday oo labada dhinac dhex maray ayaa sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana lagu dilay laba ka tirsan Alshabaab iyo askari ka tirsan ciidamada Amniga, iyadoo dabley kale oo ka tirsanaa Alshabaab uu goobta ka baxsaday.
Dableyda Alsahbaab ayaa goobta ku yimid Gaari yar oo nooca raaxada ah, waxayna isku dayeen inay si xoog ah ku jiiraan barta koontarool ee u dhow Isbitaalka banaadir ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ciidamada Amniga ayaa sheegay inay toogteen laba ka tirsan AlShabaab, halka mid kale uu baxsaday, iyadoo ay baadigoobayaan ciidamada, waxaana weerarkaasi sheegatay kooxda Alshabaab.
“Koontaroolka cagta ayaan marinay ciidamadii joogayna waan leynay, ka dibna ciidankeena dib ayey kaga soo gurteen goobta marka laga reebo laba walaal oo halkaas nooga dhintay” ayuu lagu yiri war kasoo baxay Alshabaab oo lagu sheegay inay cagta mariyeen Bar koontrool oo ciidamada dowlada ay leeyihiin.