Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay Qarax miino oo xalay lagu weerarray askar ka tirsan ciidamada Gaarka ah ee Booliska Soomaaliya (Harmacad), iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu kasoo gaaray.
Qaraxa oo ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho ayaa qabsaday Gaari ay la socdeen ciidamadan, waxaana saraakiisha dowladda ay xaqiijiyeen inay qaraxaasi ku dhinteen 4 askari, halka 3 kale ay ku dhawacmeen, iyadoo u yahay qaraxii labaad oo muddo toddobaad gudihiis ah, halkaasi ka dhaca, laguna laayo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Askarta dhimashada iyo dhaawaca kasoo gaartay Qaraxa miinada ayaa lagu soo celiyey magaalada Muqdisho, iyadoo aysan weli wax War ah kasoo saarin hay’adaha Amniga Dowladda Somalia.
Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe si weyn u kordhiyey qaraxyada Miinooyinka dhulka oo galaaftay saraakiil iyo ciidamo fara badan oo ka tirsan askarta kala duwan ee ciidamada dowladda. Dhowaan ayey ahayd markii aaggan lagu qarxiyey ciidamada DANAB, iyadoo lagu diley 3 ilaa 6 askari, markii ay laba miino ku qaraxday laba miino kolonyo uu la socday taliyaha ciidamada Danab.