Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin: Ciidamo qaab Beeleed u abaabulan oo dagaal ku dhex marayo Magaalada Muqdisho

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan milateriga dowladda Soomaaliya oo qaab beeleed u abaabulan ayaa mar kale ka qarxay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo salka ku haya dhul la isku heyto ayaa dhowr jeer hore ugu dagaalamee labada beeleed oo ciidamo ka tirsan dowladda u adeegsaday inay dagaalkaasi qeyb ka noqdaan, iyadoo iska hor imaadka labada dhinac uu keenay inay dadweynihii deganaa xaafadaasi ay bara kacaan.

Dhulka la isku heyso ayaa ku yaalla degaanka Buulo-Maaxaay, xaafadda Jamhuuriya, oo kala qeybisa  degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa. Qasaaraha dagaalka oo socda maalintii saddexaad ayaa ilaa hadda la sheegay inay ku dhinteen 2 qof iyadoo tiro kale ay ku dhaawacmeen.

 

Maamulka G/banaadir iyo hay’adaha ammaanka ayaan wax tallaabo ah ka qaadin dagaal dhuleedyada sii xoogeysanaya ee Muqdisho ka socda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON