Iyadoo ay weli socdaan xiisado colaadeed oo ka taagan degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale xalay waxaa degmadaasi ka dhacay weerar lagu dilay dad shacab ah.
Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furtay Dad shcab ah oo fadhiyey maqaayad ay dad badan ku sugnaayeen, xaafadda Nuur Barrow, waaxda koowaad ee degmada Kaxda, waxaana la sheegay inay halkaasi ku dileen 4 qof, iyagoo ku dhaawacay 5 kale, kadibna waxay ka baxsadeen goobta, iyadoo dadka degaanka ay isugu soo baxeen halka weerarku ka dhacay oo ay ka qaadeen dadkii dhimashada iyo dhaawaca ahaa.
Falkan ayaa qeyb ka ah dagaal beeleed ka socda degmada Kaxda in muddo ah oo keenay in lagu dilo dad fara badan oo uu ka mid ahaa sheekh caan ka ahaa degaankaasi oo habeen hore lagu dilay, weerarkaasina lagu dhaawacay wiil uu dhalay.