Thursday, June 26, 2025

FAAHFAAHIN: Dabley toogasho ku dilay Ganacsade caan ah oo isna lagu dilay xaafad ka tirsan Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil qorsheysan oo caawa maqribnimadii ka dhacay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa maqribnimadii toogasho ku dishay ganacsade caan ka ahaa degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Cali C/qaadir Muudey, waxaana marka ay falkaasi fuliyeen isku dayana inay baxadeen, balse waxaa la kulmay ciidamada Amniga oo iska hor imaad dhex maray.

Ninka dilka geystay oo Bistoolad ku hubeysnaa ayaa la sheegay inay ciidamada dabageel, kadibna uu galay guri ku yaalla xaafadda, waxaana halkaasi rasaas socotay muddo saacad ku dhow lagu dilay ninkii dilka Ganacsadaha geystay.

Dilka Ganacsadaha oo si weyn looga yiqiin degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ayaan weli cidna sheegan, waxaana si weyn falkaasi uga xumaaday dadka degaanka uu deganaa oo naxdin ka qaaday falka lagu khaarijiyay.

Taliyaha Booliska Qeybta Galbeed Yaasiin Ganey ayaa sheegay in Ninka Dableyda ah oo lagu sheegay Alshabaab ay ku go’doomiyeen, kuna dileen Guriga dhexdiisa, markii uu muddo la dagaalamay, iyadoo dadkii guriga ku jiray oo caruur ahaa ay ka badbaadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON