Thursday, April 18, 2024

Faahfaahin: Dagaal Culus oo Xalay Dib uga Qarxay magaalada Boosaaso iyo Xogta laga helay

Dagaal ayaa mar kale xalay Saqdii Dhexe xalay dib uga qarxay magaalada Boosaaso xilli ay dhaqan gashay xabbad joojin ay odayaasha degaanka shalay ka shaqeeyeen, waxaana dagaalka uu galay maaintii saddexaad.

Labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeeyay dagaalkii cuslaa ee xalay oo geystay qasaare, isla markaana hubka waaweyn ay ku dhaceen xaafadaha shacabka, waxaana lasoo sheegay inuu qasaare xoog leh geystay oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Xaalada saaka ayaa degan, iyadoo rasaas goosgoos ah la maqlayo magaalada Boosaaso, waxaana magaalada ka qaxaya dadkii ugu danbeeyay oo xalay ilaa saaka lagu arkayaa, iyagoo ka baxaya xaafadahooda, kuna sii jeeda duleedka magaalada Boosaaso.

Ad

Xogta la helay ayaa sheegeysa in dagaalkii xalay dhacay uu ahaa kii ugu cuslaa ee labada dhinac dhex mara, ujeedkiisuna ahaa in dowladda ku soo afjaro dagaalka, balse ay labada dhinac is mari waayeen, xilli ay socotay waanwaanta ay wadeen odayaasha iyo Isimada Puntland.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in weli uu dagaalku ka socdo magaalada Boosaaso, iyadoo labada dhinac ay ku sugan yihiin goobihii dagaalka ee ay hore ugu kala sugnaayeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON