Faahfaahin: Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Marko & Ra’iisal wasaare Kheyre oo ku sii jeeda

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay duleedka magaalada Marko ee Gobolka Sh/Hoose oo dhex maray ciidamada dowladda iyo Maleeshiyada Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in 5 qof lagu dilay dagaalka oo ka dhacay agagaarka magaalada Marko oo la sheegay inuu socdaal ku tegi doono Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii Guutada 14-ka Oktoobar ee Milateriga Soomaaliya ay fariisimo ka samaysteen duleedka Magaalada, halkaasoo ay weerar kedis ah ku soo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ad

Magaalada Marko ayaa la sheegay inay ka socoto qabanqaabo weyn oo loogu jiro soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha, waxaana halkaasi dhaqdhaqaaq ka bilaabay ciidamada dowladda oo lagu kordhiyey ciidamo cusub si loo adkeeyo amniga magaaladaasi.

Qasaaraha dagaalkii xalay ayaa lagu sheegay shan ka mida labada dhinac, waxaana ciidamada dowladda looga dilay dhowr askari, iyadoo maleeshiyada Alshabaab ay soo gaartay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

 Ciidamada dowladda ayaa sheegay in guutada 14-ka Oktoobar ay howlgal ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo lagu bur-buriyay fariisimo ay ku lahaayeen malleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo howlaglkan lagu dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsanaa Alshabab.

War kale oo warbaahinta dowladda Somalia baahisay ayaa lagu sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xalay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose ku dileen in ka badan 10 maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, qaar kalena nolosha ku qabteen markkii ay isku dayeen inay carqaladeeyaan Nabadda magaaladaasi.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo socdaal ku maraya degaanada maamulka K/Galbeed ayaa lagu wadaa inuu Sabtida tago magaalada Marko, isagoo hore socdaal ugu maray magaalooyinka Baydhaba iyo Xudur.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,498FansLike
1,256FollowersFollow
3,421FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!