Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Dagaal lagu qaaday Alshabaab oo ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne

Wararka laga helayo Gobolka Hiraan ayaa sheegay inuu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo xooggaga dib u xoreynta deegaanka ee Macawisley oo is-kaashanaya iyo kooxda Alshabaab.

Dagaalka oo ka qarxay degaanka Beer-xaanno ee Koonfurta Magaalada Beledweyne ayaa yimid kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa degaanku ay weerar ku qaadeen xraun ay isku arursanayeen Alshabaab.

Dagaalka kadib waxaa halkaasi gaaray ciidan gurmad ah oo uu hoggaaminayo Taliye Xasan Guuleed oo ka mida saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad, iyadoo ay la socdeen ciidanka Gorgor.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka khasaare lagu gaarsiiyay Alshabaab, iyadoo lag saaray Beerxaano iyo degaanka Dhoqor oo Koonfurta ka xiga Beledweyne, kuna teedsan wabiga Shabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON