Thursday, April 18, 2024

Muqdisho: Madaxda Safka hore oo ku shiraya, Bandow lagu soo rogay iyo Madaafiic la maqlay

Madaxda dalalka Safka hore ee Soomaaliya ayaa maanta ku shiraya caasimadda Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu noqday hoggaamiyihii ugu horeeyay ee soo gaara Garoonka Aden Cadde.

Sidoo kale waxaa Muqdisho soo gaaray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Amed iyo Madaxweynaha Kenya Wiliiam Ruto oo ugu dnabeeyay, waxaana Hotel ku yaalla Garoonka Muqdisho uga furmay shir looga hadlayo dagaalka Alshabaab iyo sidii loo taageeri lahaa howlgalka ka socda Soomaaliya. (Halkan ka Akhriso)

Amniga caasimadda ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo bandow lagu soo rogay magaalada, waxaana la xiray isu socodka dadka oo meelaha qaar la joojiyay isu socodka dadka lugeynaya, balse waxaa laga maqlay madaafiic lagu wareerray agagaarka Madaxtooyada iyo xaafadaha ku xeeran.

Ad

Jugta ilaa shan Madfac ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo maalmahan ay sii kordheen madaadiicda ay Alshabaab ku weerarto bartamaha magaalada iyo agagaarka madaxtooyada xilli magaalada uu xiran yahay isu socodkeeda.

Xukuumadda ayaa dadka magaalada Muqdisho u sheegtay inay dulqaataan, sida warbaahinta ka sheegeen Wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka Warfaafinta. Arrintan oo timid kadib markii xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka ay qeylo dhaan ka keeneen arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON