Thursday, June 8, 2023

Faahfaahin: Gaari Ciidan oo lagu Qarxiyey Muqdisho iyo Qasaaraha ka dhashay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax maanta ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday ciidamo ku howlahaa dhismaha xero ciidan.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa qabsaday Gaari ay wateen Ciidamada Dowladda, gaar ahaan Ciidamo Boliska-Milateriga ee Imaaraadku taageero oo ka shaqeeynayay dhismaha Xerada Milateriga ee Deyniile laga dhisayo.

Waxaa Qaraxa ku dhintay laba Askari, waxaana ku dhaawacmay Saddex kale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, balse warar kale ayaa sheegaya in dhimashada askarta ay gaartay 4. Xerada Deeyniile ayaa ka mida Afar Xero oo Magaalada Muqdisho looga sameynayo Ciidamada ay dowladda Imaaraadka taageereyso ee loo tababarayo Soomaaliya.

Ad

Qaraxyo iyo beegsiga saraakiil ayaa ka socda Muqdisho, inkastoo xaalada Amni ee caasimadda ay kasoo reysay ilaa Bishii Ramadaan, haddana dhacdooyinka Qaraxyada iyo Dilalka ayaan si socda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!