Koox hubeysan ayaa caawa magaalada Mudisho ku dishay Agaasimihii waaxda Maamulka Maaliyada Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Safiya Abuukar Karaani.
Marxuumada ayaa dableydu ku toogteen agagaarka Kaalinta shidaalka Hass ee u dhow Isgoyska Sayidka, halkaas oo gurigeeda ku dhow, ayna u muuqdaan ciidamada dowladda ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya.
Dableydii dilka geysatay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen, iyadoo markaas kadib ay halkasi tageen ciidamada Amniga.
Safiyo Abuukar karaani ayaa ka mid ahayd uurrrada bulshada, bahda saxaafadda, waxayna xilligan agaasime ka ahayd xukuumadda Federaalka, xilliyadii adkaa ka shaqeysay gudaha dalka.
Alshabaab ayaa Bishii Febraayo 2016 hore Qarax uu dilay magaalada Muqdisho Saygeedii Xaaji Muxudiin Maxamed Xaaji oo noqday wasiirkii Gaashaandhigga ee xukuumaddii Nuur Cadde.
