Sunday, May 29, 2022

Wasiirka Gudaha & Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle oo ka hor yimid ciidamada Farmaajo geeyay Beledweyne

Waxaa magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda xilgaarsiinta iyo siyaasiyiinta iyo Beesha Xawaadle oo si kulul uga hadlay ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in inaysan xukuumadda waxba ka ogeyn ciidamada la geeyay magalada Beldweyne, isla markaana aan lagala tashan Ra’iisal wasaaraha oo mas’uul ka ah doorashada.

“Ciidamada Beledwayne la geeyey ma ahan arrin la isla og yaha;y Ra’iisul wasaaruhuna laguma soo wargalin. Xukuumadda go’aan ayay ksoo saari doontaa ciidanka la geeyay Beledweyne ” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Ad

C/llaahi Goodax ayaa sheegay in magaalo nabad ah ciidamo loo geyeya in doorasho lagu boobo, ayna xaalada magaalada tahay mid kacsan oo ay isaga difaacayaan duulaanka lagu soo qaaday, markii laga war helay in weerar gaadmo ah dhici karo.

Wuxuu ka dalbaday Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta inuu tallaabo cad ka qaado, lana xisaabtamo jeneraallada diray ciidamada la geeyay, ayna mas’uul ka yihiin wixii ka dhaca magaalada Beledweyne.

C/llaahi Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu mas’uul ka yahay ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne, isla markaana ujeedku yahya in lagu boobo doorshada, isagoo dalbaday in dib loo soo celiyo ciidamdaasi.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,000FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!