Waxaa lasoo gabagabeeyay heshiis lagu dhammeynayo khilaafkii labada bilood ka dhex taagnaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xilgaariinta Maxamed Xuseen Rooble.
Sida ay hore u soo werinay maanta (Halkan ka akhriso), waxay labada dhinac gaareen heshiis ay ku qacniyeen dhinacyadii la kala safnaa oo maanta qeyb ka ahaa wadahadalka ka socday Villa Somaliya
Tanaasulka ugu weyn waxaa muujiyey Ra’iisal wasaare Rooble oo la noqday magacaabistii Agaasimaha Hay’adda NISA Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, waxaana Hay’adda NISA xilkeeda sii heyn doona Yaasiin Farey oo Farmaajo xilkaasi u magacabaay, inta laga soo magacabaayo agaasime iyo agaasime ku xigeen la isla ogol yahay.
Farmaajo wuxuu dhinaciisa ogolaaday inuu Wasiirka Amniga sii ahaado C/laahi Maxmaed Nuur oo Ra’iisal wasaaraha magacaabay, isla markaan xil kale loo magacaabo Jen. Bashiir Goobe oo lagu wado inuu noqdo Wasiiru-dowle.
Kiiskii Ikraan Tahliil ee khilaafku ka qarxay ayaa la isla qaatay in Hay’adha Garsoorka loo madax banneeyo, iyadoo kiiska ay u xilsaaran tahay Maxkamadda Milatgariga dalka.
Madaxtooyada iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa hadda uixii ka wada shaqeyn doona dedejinta doorashada dib u dhaca weyn ku jirta ee dowladda Federaalka 2021.
