Faahfaahin dheeraad ah aya kasoo baxeysa Qarax uu fuliyey Qof is-miidaamiye ahaa oo isku qarxiyey Maqaayad ku taalla kasoo horjeeda Xerada ciidamada dowladda Soomaaliya ee Nacnaca, degmnada Wadajir, magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo dhacay Galabta ayaa dhaliyey qasaare dhimasho oo gaaraya 4 Qof, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.
Dadka waxyeelladu kasoo gaartay qaraxa is-miidaaminta ahaa ku sugnaa Maqaayadda la beegsaday, oo inta badan ay tagaan askarta ciidmada milateriga iyo socoto ah.
Nin xiran Jaakadda Qaraxa ayaa gudaha u galay Maqaayadda, kadibna is qarxiyay, waana markii labaad ee aaggaasi uu qarax noocan oo kale ah ka dhaco.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka is-miidaaminta, waxaana Wr kasoo baxay lagu caddeeyay inay howlgal gaar ah lagu beegsaday ciidamada Turkigu tababaray.
Taliska Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa faafiyey war ku saabsan inay qaraxa k udileen in ku dhow 20 ka tirsan ciidamada Soomaalida ah ee Turkigu tababaray, dhaawacuna ka badan yahay.
Alshabaab ayaa sii kordhisay muddooyinkan qaraxyada is-miidaaminta ah ee ay geysanayaan is-miidaamiyeyaasha.
