Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahin laga helay Nin Dhalinyarro ah oo maanta lagu dilay Muqdisho xilli uu kasoo baxay Masjid.

Faahfaahin ayaa laga helay nin dhalinyaro ah oo koox hubeysan ay maanta ku dileen Xaafada Kacaan ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdala Maxamed Maaxi ayaa marka la toogtay kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday salaadii Jimcaha, waxaana rasaas ku furay dabley halkaasi ku sugeysay, iyado wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa ergadii soo dooratay Baaralamaanka Soomaaliya.

Waxaa goobta ka baxsaday kooxdii Dilka geystay, Dhalinyarada ahaa ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo aan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Alle ha u naxariistee Cabdala Maxamed Maaxi ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku nool degmada Afgooye, balse Muqdisho u yimid waxbarasho, waxaan dilkiisa uu qeyb ka yahay olole ay Alshabaab ku leyneyso ergada dooratay xildhibaannada Baarlamaanka oo bishan Ramadaan laga dilay qofkii afraad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON