Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax Galabta ka dhacay magaalada Boosaaso oo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Waxaa la xaqiijiyey in Qof uu ku dhintay, in ka badan 10 kalena ay ku dhaawcameen qaraxa oo ka dhacay Goob ganacsi ( Marfesh) lagu qayilo ku yaala wadadda tagta Garoonka Diyaraadaha Magaalada Bosaso, meel u dhow Aargada Maqaska.
Qasaaraha ka dhashay qaraxa sii kordhaya iyado isbitaallada Boosaaso la geeyay dad dhaawacyo culus gaareen, waxaan goobta xiray ciidamada amniga.
Dadka wax yeeladu kasoo gaartay qaraxa ayaa la sheegay inay ku jiraan nabadoono shalay ka qayb galay kullan lagu taageerayey wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo lagu qabtay Boosaso.
Boosaaso ayaa isu diyaarinaysa doorashada 16-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada labaad ee Puntland, waxaana kordhay qaraxyada ka dhacaya meelaha la isugu yimado.
