Sunday, July 27, 2025

Faahfaahin laga helay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay Qaraxyo is xigay ay ka dhaceen xalay saq dhexe kadib.

Qaraxyada oo ahaa Miinooyinka dhulka la geliyo ayaa lagu xiray qaar ka mida Baalayaasha Soolarada cad cadceeda ku shaqeeya ee wadadda dhex marta xaafada Hawlwadaag, magaalada Beledweyne, waxaana halkaasi waxyeello weyn kasoo gaartay Baalayaasha.

Jugta saddex Qarax ayaa xalay laga maqlay magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay in ujeedkoodu ahaa burburinta baalayaasha cadcadeeda iyadoo aanay geysan qasaare kale.

Saraakiil amniga magaalada Beledweyne ayaa ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan ciddii ka dambeysay falkan oo ku cusub  magaalada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON