Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Gaari oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. kaasoo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Inta la xaqiijiyey Qof ayaa ku geeriyooday, 2 kalana waa ku dhaawacmeen Qarax Gaari oo ka dhacay Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho, kasoo loo adeegsadya Gaari nooca raaxada ee Toyota Harrier ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska saldhigga Dagmada Howlwadaag Najiib Cabdi Abiib ayaa sheegay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay Koontaroolka Ciidanka ee Isgoyska Carwa Idko kadibna uu qarxay iyadoo ay ciidamadu daba socdaan.
Taliyaha ayaa xaqiijiyay in qofkii waday oo kaliya uu ku naf-waayay qaraxa gaarigan. waa Qarixii ugu horeeyay ee Muqdisho ka dhaca Muddooyinkan oo loo adeesgado Gaari miineysan oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.
