Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax is-miidaamin ahaa oo caawa fiidkii ka dhacay caasimadda maamulka Puntland ee magaalada Garowe.
Qaraxa ayaa la xaqiijiyey inuu fuliyey qof is-miidaamiyey oo beegsaday madaxda Gobolka Nugaal iyo saraakiil ciidan oo ku sugnaa barxadda saldhigga Garowe; waxaana uu sheegay wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad, inuu qaraxa fuliyey qof is-miidaamiye ahaa oo isku qarxiyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xersi (Gu’jir), oo uu la socday Taliyihii Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galangooli) oo labaduba dhaawac culus soo gaaray.
Waxaa kaloo Qaraxa ku dhaawacmay qof shacab ah oo goobta ku sugnaa, waxaana dhammaantood lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Garowe; iyadoo wasiir Dhabancad uu beeniyey warar la faafiyey oo lagu sheegay inuu dhintay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal.
Ciidamada Amniga ayaa xiray magaalada Garowe, waxaana socda howlgal, iyadoo aanay jirin cid loo qabtay qaraxa is-miidaaminta ahaa oo qofkii fuliyey uu goobta ku geeriyooday.
