Friday, October 3, 2025

FAAHFAAHIN: Qarax is-miidaamin ah oo lagu weeraray Ex. Kontrol Afgooye & Qasaare ka dhashay

Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha qarxa oo is-miidaamin ahaa ayaa saaka lagu weerarray EX. Koontaroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho, iyadoo qasaare kala duwan uu dhaliyey qaraxaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Gaari nooca NOAH ay ciidamada amniga ee Koontartoolka ku sugan ay ka shakiyeen kadibna ay rasaas ku fureen balse uu xowli kuo galay goobtaasi, kadibna uu qarxay, waxaana waxyeelo xoog leh soo gaartay gaadiid fara badan oo halkaasi ku sugnaa, iyadoo ay jiraan dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ka hor ayaa rasaas lagu furay gaariga waxaana qaraxa oo ahaa mid xoog leh ku dhintay ilaa 3 qof iyadoo dhaawaca uu gaarayo 20 kale, waxaana burbur xoog leh gaaray gawaari isugu jirta BL iyo Bajaaj, iyadoo Ex Koontarol Afgooye ay tahay goob gaadiidka aad ugu badan yihiin oo ciidamada ay ku leeyihiin goob lagu baaro oo lacago looga qaado.

Isu socodka gaadiidka ayaa istaagay, waxaana goobta isaga cararray dadkii ku sugnaa, iyadoo weli aanay wax war ah kasoo sarin Hay;adaha amniga dowladda Soomalia.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON