Faahfahaino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxyada oo ahaa Miinooyinka dhulka la geliyo, wuxuu qaraxa hore ka dhacay degaanka Treedisho ee KM13, iyadoo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo qasaare kala duwan kasoo gaaray.
Qaraxa labaad ayaa ka dhacay Xerada Badbaado, waxaana miinada la geliyay maqaayad ay dadku ku badan yihiin. Dadka degaanka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen lix qof oo askar ku jirto iyo 8 dhaawac ah.
Haweeney lahayd Maqaayadda oo ahayd mid dadka soo barakacay ayaa sheegtay in qaraxa ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo masaakiin ah, isla markaana aysan helin gurmad fiican, iyadoo dadkii dhimashada iyo dhaawaca noqday lagu qaaday Mooto Bajaajyo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir. Qaraxyada ayaa waxaa inta badan sheegta ururka al-Shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda Federaalka.