Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Qarixii Muqdisho iyo Saxafi caan ahaa oo ku Geeriyooday

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar is-miidaamin ah oo caawa ka dhacay Maqaayada Blue Sky, degmada Boondheere ee ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa oo uu geystay nin soo xirnaa waxyaabaha Qaraxa ayaa geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo uu ku dhintay Weriye caah ah oo agaasime ka ahaa Telefishan ka howlgala Muqdisho.

War kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in Caawa 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, uu nin naftii-halige ah oo Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky.

“Qasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Agaasime Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho”, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen”. ayaa agu yiri War kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir.

Tacsida Weriye C/fatax Qeysa oo si weyn looga naxay ayaa qabsatay Baraha bulshada ku xiriirto, waxaana tacsi u diray mas’uuliyiin, saxafiyiin iyo dad fara badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON