Saturday, July 5, 2025

FAAHFAAHIN& SAWIRRO: Qarixii weynaa ee Maka Almukarama, Muqdisho & Xarumo badan oo ku burburay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax weyn oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo qasaare naf iyo hanti ah geystay.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Baarka iyo Hotelka Hilaac Uk oo u dhow Hoteelka Maka Al mukarama, iyadoo gaariga la qarxay xilli uu ku jiray feyl lagu baaro gaadiidka.

Qaraxa oo ahaa midkii ugu weynaa ee muddooyinkan ka dhaca Muqdisho ayaa geystay burbur aan hore loo arag, waxaana dab ka kacay baabuur goobta taallay, iyadoo sidoo kale koronto go’day ay dhalisay dab kale, waxaana halkaasi ka kacay dab xoog leh.

Dhismooyinkii Ganacsiga ee Hoteelada, Farmashiyeyaasha iyo Carwooyinka ayaa ku burburay qaraxa, wuxuuna saameyn ku yeeshay dhammaan dhismooyinkii ku dhowaa wadadda Maka Amukarama sida Hoteelada Maka Almukarama, Hilaac UK, Wardheer hotel, Kuwait Place iyo xarumo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaan weli goobta laga qaadin, iyadoo gaadiidka gurmadka ayaan loo ogolaan, taasoo ay ugu wacan tahay dab ka socda dhismooyinka iyo goobaha qaraxu ka dhacay.., waxaana muddo saacad ku dhow halakaasi gaarin Dab-damisyadii G/banaadir.

Image may contain: night and outdoor
Image may contain: outdoor
Image may contain: night and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON