Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo uu fuliyay qof jis-miidaamiye ahaa oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa jugtiisa qeybo ka mida caasimadda, waxaana la sheegay inuu dhaliyay qasaare xoog leh.
Alshabaab ayaa sheegtay inay qarax ku beegsaday ciidamada dowladda iyo saraakiil caddaan ah oo tababar siinayay, ayna noqdeen dhimasho iyo dhaawac.
Dhinaca kale qoraal ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu fuliyay qof naftii halige ah, balse wasaaradu waxay ka gaabsatay qasaaraha qaraxa uu geystay,
“Qarax ayaa saaka abaare 11:20AM ka dhacay afaafka hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo uu fuliyay qof naftii halige ah oo ka tirsan argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo sii raacisay in haatan ay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada dowladda, dibna ay wasaaraddu ka shaacin doonto faah-faahinta.
Weerarkan AS ku qaaday Xerada ciidamada ee Jaalle Siyaad ayaa imaanaya iyadoo ay si weyn hoos ugu dhaceen qaraxyada ay Muqdisho k fulin jitray kooxda Al-Shabaab oo dhinac kale dagaallo culus ka wada gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.