Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Miino oo ka dhacay jidka isku xira Isgoyska Banaadir iyo Digfeer, degmada Hodon, Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Gaariga sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga oo ay la socdeen ciidamo ilaalo u ah, wuxuuna dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Sarkaalka la beegsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Jeneraal Maxamed Xaashi Guuleed, wuxuna xilligaasi ka tegay xarunta Taliska ciidamada Milateriga ee Villa Baydhabo.
Jeneraalka ayey wararka sheegayaan inuu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, halka askari ka mida ilaaladiisa uu ku geeriyooday, waxaana goobta gaaray ciidamada Amniga.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka ku waxyeelay ay gaarayaan 4 dhimasho ah iyo 5 dhaawac ah oo dad rayid ah iyo askar ka mid yihiin, ayna arkeen meydadka oo laga qaadayo goobta qaraxu ka dhacay.
