Friday, July 4, 2025

Faahfaahin: Sidee Gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska Qarax loogu xiray Muqdisho?

Gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay qarax loogu xiray uu ku qarxay Xaafada Sey Biyaano, degmada Hodon.

Gaariga qarxay ayaa ahaa nooca loo yaqaan CARIB ee calaamadda Ciidamada booliska ay ku buufsan tahay oo ka howlgala isgoyskada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu ku geeriyooday darawalkii Gaariga oo ahaa askari ka tirsan Ciidamada Booliska degmada Hodan, waxaana ka badbaaday sarkaalkii ku qornaa Gaariga.

Arrintan ayaa keentay in su’aalo laga weydiiyo sarkaalka gaariga oo ciidamada Booliska baaritaan ku bilaabeen, si loo ogaado qaabka ay ku suuragashay in gaariga lagu xiro waxyaabo qarxa.

Gaadiidka Booliska ayaa si weyn loo ilaaliyaa , iyagoo ku eg saldhigyada iyo goobaha ay ka howlgalaan, waxaana la yaab noqotay in miino lagu xiro gaari noocaasi ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON