Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax lala beegsaday taliyaha Booliska degmada kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa saaka kadhacay agagaarka Masjidka Turkiga, Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, waxaana la sheega yinay ahayd miino lagu qarxiyey gaari Cabdi Bille nooca Booliska ah oo waxyeelo culus soo gaartay.
Gaariga ayaa la sheegay inuu la socday taliyaha saldhiga degmada Kaaraan Gaashaanle Salad Caraale, wararku sheegayaan inuu ka badbaaday qaraxa. ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay qarax ku dhaawacmeen dad shacab ah oo wadadda marayey xilligaasi.
