Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ay xalay ku qaaday ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir oo bar ku lahaa degmada Heliwaa.
Weerarka ayaa goob ay ciidamada fadhiyaan agagaarka SOS u dhow Shinemo Cabdi-waayeel, iyadoo rasaas xoog leh ay labada dhinac is-weydaarsadeen, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in dagaalku socday muddo daqiiqado ah.
Ciidamo gurmad ah oo la sheegay inay ka tageen saldhigga Booliska Heliwaa ayaa la sheegay inay Miino kula qaraxday agagaarka saldhiga degmada Hiliwaa, iyadoo la sheegay inay afar askari oo boolis ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.
Ma jiraan wax war ah oo hay’adaha amniga ay kasoo saareen weerarkan oo habeennimo ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho, taasoo inteeda badan ay kooxda Alshabaab ka fuliso weerarrada noocan oo kale ah.