Koox dabley ah ayaa maanta salaadii Jimcaha kadib toogasho ku dishay wiil dhalinyaro ah oo caan ka ahaa degmada Kaaraan iyo baraha bulshada.
Ayaanle Axmed Jimcaale (Duceysane) ayaa lagu dilay xaafadda Nageyley ee degmada Kaaraan, agagaarka Masjidka Maxamed Sheekh Cali, waxaana kooxda hubeysan oo lagu sheegay burcad ay doonayeen inay ka dhacaan telefoon Mobile ah oo uu watay.
Dadka degaanka aya sheegay inuu marxuum Ayaanle isku adkeeyay telefoonka, kadibna ay Burcadii toogteen, kana qaateen telefoonkii, iyagoo goobta ka baxsaday, wuxuuna u dhintay rasaastii lagu furay.
Saaxiibada iyo eheladda Wiilkan dhalinyarrada ahaa oo aad uga naxay dilkiisa ayaa hay’adaha Amniga dowladda ka dalbadeen cadaalad.
