Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin: Xogta Qodobada la isku waafaqay Shirka Wadatashiga Doorashada Muqdisho

Waxaa la isla meel dhigay heshiis guud ahaan laga gaaray Shirkii Qaran ee Wadatashiga Doorashada oo uu hoggaaminayey Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’iisal wasaaraha waxaa heshiis laga gaaray 3-dii Qodob ee lagu soo kala kacay shirarkii Dhuusamareeb, iyadoo uu ka maqan yahay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qodobka ugu adkaa ee ‘Maamulka Guddiyada Doorashada Somaliland’ ayaa u muuqda in tanaasul lagu riixay guddoomiyaha Aqalka Sare, iyadoo uu kala bar soo magacaabayo Guddiga heer Somaliland ee Doorashada, halka uu xubin ku yeelanayo Guddiga Heer Qaran ee Doorashooyinka, arrintan oo ay weli ka gows heystaan siyaasiyiinta la safan Cabdi Xaashi. Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ayaa lagu qaban doonaa Afisyoone, waxaana Amniga sugaya Booliska iyo AMISOM.

Arrinta Gedo ayaa guud ahaan la isla qaatay soo jeedintii Guddigii Farsamada ee ku shiray magaalada Baydhaba, kaasoo nuxurkiisu ahaa: In xubnaha Maamul Goboleedyada wafdi dib u heshiisiin u diraan magaalada Garbahaarey, Axmed Madoobe-na uu maamul cusub u magacaabo, iyadoo amniga Doorashada ay sugayaan Booliska AMISOM iyo Booliska magaalada.

Isla arinta Jubbaland, Waxaa si gaar ah uga shaqayn doona Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddiyo gaar ah u xilsaari doona si ay arrinta xal kama dambeys ah uga gaaraan.

Guddiyada Doorashada ee muranku ka taagnaa ayaa lagu bedelayaa Guddi cusub oo kalsooni ka heysta dhinacyda oo dhan, iyadoo dib loogu noqonayo guddiyada Doorashada ee Maamul Goboleedyada.

Waxaa jira qodobo ka mida heshiiska la saxiixayo oo cusub, kuwaasoo ay ka mid yihiin Marjica Guddiga xalinta khilaafaadka, Doorasho gelinta dalka iyo inay awoodda Amniga iyo xilka sii heyneyso Xukuumadda Xilgaarsiinta.

Wararka ayaa sheegaya in la gabagabeynayo qodobadda heshiiska is afgaradka laga gaaray iyo qancinta dhinacyo weli harsan ilaa Berri, iyadoo ay harsan tahay heshiis kama danbeys ah oo laga gaaro arrinta Somaliland, si Khamiista loo qabto xafladda saxiixa heshiiska Doorashada lagu aadayo muddo 4 bilood gudahood ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON