Alshabaab ayaa hoobiyeyaal ku weerartay Garoonka Stadium Muqdisho oo galabta uu dib u furay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo qarax miino uu isla maanta ka dhacay isgoyska Cali Kamin ee degmada Wardhgiiley oo u dhow Garoonka.
Hoobiyeyaal dhowr ah ayaa laga maqlay agagaarka Garoonka Muqdisho isla markii ay dhammaatay ciyaartii dhex mareysay kooxaha Horseed iyo Muqdisho oo ku beegneyd fiidnimadii Caawa, waxaana mid ka mida Hoobiyeyaasha uu ku dhacay gudaha Garoonka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga ee Dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo isla maanta qarax miino uu ka dhacay Isgoyska Cali Kamiin, kaasoo wadadda dhinaceeda la geliyey, loona dan lahaa gaadiidka la socday Madaxweynaha, iyadoo aanay jirin wax qasaare ah oo ka dhashay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa daqiiqado ku sugnaa Garoonka, isagoo furay, kadibna baasay kubad ciyaar dhex martay kooxaha Horseed iyo Muqdisho, wuxuuna dib ugu laabtay xaruntiisa Madaxtooyada.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa shalay iyo xalay la dhigay magaalada Muqdisho iyo degaanada ku xeeran si loo sugo amniga Madaxweynaha.