Sunday, July 6, 2025

FAAQIDAAD Kiiskii dhiibista Qalbi-dhagax oo dusha loo saaray NISA iyo taliyaheedii hore ee Sanbaloolshe

Guddi Golaha shacabka u saaray baaritaanka kiiska dhiibistii ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya sarkaalkii ka tirsanaa ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ku soo dhammaaday in tallaabadaasi khalad ahayd iyo sharci darro.

Warbixin ay Baarlamaanka ka hor jeediyeen uddiga Loo xil saaray Arrinta Qalbi dhagax ayaa nuxurkeedu ahaa:

1- In dhiibistii Itoobiya loo gacan geliyay C/kariin Qalbi dhagax ay ahay sharci darro si khalad ah ku dhacday.

2- Inay kiiskan maareysay Hay’adda Sirdoonka NISA [Mas’uulna uu ka ahaa Taliyihii la casilay ee C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe]

3- Inaan lagala tashan Hay’adaha Garsoorka dalka

4- In ONLF aysan ahayn urur argagixiso ah

5- In xukuumadda laga doonayo jawaab ay ka bixiso

Golaha Shacabku ayaa cod ay u qaadeen arrintan ku ansixiyey, warbixinta waxaana ku raacay Guddiga 152 mudane, iyadoo ay diideen 6 xildhibaan, halka 3 kale ay ka aamustay.

Haddaba waxaa muuqata in Guddiga uu kiiska dusha u saaray Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo agaasimaheedii hore ee xilka laga qaaday C/llaahi Sanbaloolshe oo hore ay u soo shaac baxday inuu madaxda sare ka afduubay inay xitaa ka hadlaan markii arrintan ay qaraxday.

Waxaa la is weydiinayaa inkastoo la casilay Sanbaloolshe tallaabada xigta ee xukuumadda iyo jawaabta laga sugayo waxa ay noqon doonto.

Sanbaloolshe oo afduubtay xaqiiqada Kiiska Sarkaalka ONLF ee C/kariin Qalbidhagax

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON