Monday, July 14, 2025

Facebook miyaa laga hagaa Go’aannada Ra’iisal wasaare Rooble, Yuuse tallooyinka ka qaataa..?

Tan iyo intii uu soo shaac baxay khilaafka Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa soo shaac baxay taageerayaal la safan Ra’iisal wasaaraha.

Rooble oo hore nabad-doon u ahaa, isla markaana waqti dheer ay midowga Musharixiinta ku kari waayeen inay ka hor keenaan ayaa kadib markii uu la wareegay Amniga Doorashada is bedelay wuxuuna si tartiib, tartiib ah ula soo baxayay awoodo dheeraad ah, ilaa ay xaaladu gaartay inuu qarxdo khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo muddo si hoose ku socday, wuxuu dibadda usoo baxay markii Rooble qorsheystay inuu faraha la galo siyaasadda arrimaha dibadda iyo safarkiisii Kenya, kadib markii Farmaajo ka hor yimid, isaguna ku adkeystay, wixii intaas ka danbeeyayna waxaa socday loolanka labada nin ilaa kiiska Ikraan Tahliil uu keenay inay isku dhacaan.

Gacanyareyaasha Rooble waxay qeyb ka yihiin khilaafka taagan, waxaana ugu waaweyn Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-cadaalla, laakiin waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo shaac baxay in tallaabooyinka Ra’iisal wasaare Rooble qaadayo ay ka yimaadeen rag ka mida dhinaca mucaaradka.

Musharax C/raxmaan C/shakuur waa ninka ugu weyn ee difaaca Rooble xilligan, isla markaana siinaya tallooyinka uu qaadayo, iyadoo tallooyin badan oo uu baraha bulshada kusiiyey Rooble uu fuliyey. Waxaa ku soo xiga Xildhibaan Mahad Salaad oo isna ka mida xubnaha sida weyn u garab taagan Ra’iisal Wasaaraha.

Dad badan ayaa filayay in Ra’iisal wasaare Rooble uu wax badan xeerin doono marka ay timaado loolanka kala dhaxeeya Farmaajo, kana waantoobi doono in khilaafku saameyn ku yeesho Doorashada iyo Xasiloonada, laakiin waxay kooxda Farmaajo hadda ogaatay in ninkii ay laba bilood ku dhowaad raadiynayeen si uu qorshahooda doorashada u fuliyo uu hadda yahay kan ugu halista badan ee ay wajahayaan.

Talooyinkii ugu danbeeyay ee C/raxmaan C/shakuur siiyey Rooble 10 September, isagoo diidan waanwaan la sheegay inay socoto waxaa ka mida:

1- Go’aannadaada ku soco
2- Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku garab taagan
3- Maxkamadda dDcwadda loo gudbiyey waa inay horay u socodsiiso kiiska.
4- Kiiska Ikraan maxkamad dadwayne (Public Court) oo shacabkoo idil indhaha ku hayaan ayuu saaran yahay ee ma aha mid la dabooli karo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON