Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji ayaa soo saa saaray amar ku saabsan in wasaaradaha, shaqsiyaadka iyo hay’adda dowladda Federaalka ay ka guuraan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Qoraalka Fahad Yaasiin ayaa lagu sheegay in madaxtooyada dib u habeyn iyo dib u dhis lagu sameynayo, sidaas darteedna ay ku banneeyaan dhismaha Madaxtooyada muddo 14 maalmood ah oo ka bilaabatay 6-dii Ogost 2017.
Amarka ka guurista Madaxtooyada ayaa saameyn ku lahayn xafiiska Madaxweyne Farmaajo, wuxuuse saameyn doonaa Ra’iisal wasaaraha, Wasaarado iyo shaqsiyaad madax ah, sida xildhibaano iyo madax xilala kala duwan ka heysta dowladda.
Madaxtooyada oo hore loogu sameeyay dayactir ay maalgelisay dowladda Imaaraadka illigii dowladii Xasan Sheekh ayaan la ogeyn dayactirkan cusub waxa uu ku soo kordhin doono, waxaana go’aankan laga cabsi qabaa inay arrimo kale ku hoos jiraan.