Fahad Yaasiin Xaaji oo magaciisa sharci ahaa uu yahay Fahad Daahir Axmed ayaa dacwad u qoray Maxkamadda Sare ee dalka, isagoo ku eedeeyay Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka inay si sharci darro ah kursigii uu kusoo baxay go’aamiyeen in dib loogu noqdo.
Qareenka Fahad Yaasiin ayaa qoraal dheer u diray Maxkamadda Sare iyo sharci ahaan u dooday in wakiilkiisa lagu dulmiyey sifo aan sharci ahayn, loona diiday xuquuqdiisa muwaadnnimo, wuxuuna Maxkamadda Sare ka dalbadan in dacwadaasi ay qaado.
Qoraal kasoo baxay Maxkamadda sare oo uu ku saxiixan yahay kaaliyaha C/risaaq Cali Cismaan ayaa loo diray Garyaqanaka guud ee dowladda, iyadoo la ogeysiiyay Guddiga FEIT ee Doorashooyinka, waxaana looga dalbaday inay muddo laba maalmood ah uga soo jawaabaan dacwadda loo heysto.
Dacwaddan ayaa imaaneysa iyadoo kooxda Farmajo iyo Fahad ayaa dagaal culus ugu jiraan inay difaacaan kursiga uu kusoo baxay Fahad Daahir, waxaana muuqata inausan soo marin Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ay toos u aadeen Maxkamadda Sare oo ah halka ugu danbeysa dacwadaha u saabsan doorashada.
Kursiga HOP086 ee Fahad Daahir ayaa waxaa ku dhegan Guddga FEIT, iyadoo lagu heysto in doorashadiisa la qabtay, iyadoo uu hakiyey Guddiga, lana baal maray hannaanka Doorashada.
