Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa Agaasimihii hore ee NISA iyo la-taliyihii Madaxweyne Farmaajo si lama filaan ah hambalyo ugu diray Mahad Maxamed Salaad, oo maanta dib loogu magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA).
Qoraal uu Fahad Yaasiin soo diray ayuu ku yiri; “Taliye Mahad Salaad oo mar labaad loo magacaabay Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaan leeyahay hambalyo, kusoo dhawoow mar kale NISA.. Taliye Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxaan ku amaanayaa xurmada iyo qaddarintii naga dhaxaysay.””
Fahad ayaa hore si weyn u weerarayay Mahad Salaad, isagoo ku dooday inuu ka tirsan yahay, lana shaqeeyo Alshabaab, wuxuuna halis qaran ah ku tilmaamay in loo dhiibo hoggaanka Hay’adda NISA.
Hadal heyn ayaa ka dhalatay hambalyada Fahad Yaasiin xiligan u diray Mahad Salaad, waxayna dadka qaarkood ku fasireen inuu doonayo inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay.
Magacaabista Mahad Salaad oo maanta dhaqan-gashay ayaa si weyn loo hadal hayay toddobaadyadii lasoo dhaafay, iyadoo Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay uga mahad-celiyeen shaqadii uu soo qabtay.